🎙️AI WAITER? Gabar Soomaaliyeed Oo App Cajiib Ah Hirgelisay Maraykanka | Sheekadda Faadumo Aden!
Somali Diaspora TV
0:00 / 0:00
🎙️AI WAITER? Gabar Soomaaliyeed Oo App Cajiib Ah Hirgelisay Maraykanka | Sheekadda Faadumo Aden!
7 603 просмотра · 3 дня назад
Somali Diaspora TV
6,91 тыс. подписчиков
7 603 просмотра · 3 дня назад
🎙️ Somali Diaspora Podcast | Faadumo Aden & Dine App
Qeybtan Somali Diaspora Podcast waxaan wada sheekeysi xiiso badan la yeelanay Faadumo Aden, oo ah gabar Soomaaliyeed oo ka dambeysa Dine App — application casri ah oo loogu talagalay inuu fududeeyo khibradda dadka ee restaurants-ka iyo coffee shops-ka.
Waxaan Faadumo kala hadalnay halka ay fikradda Dine App ka timid, safarkii ay u martay hirgelintiisa, caqabadaha ka jira dhismaha technology startup-ka, iyo himilada ay ka leedahay mustaqbalka Dine.
Waxaan sidoo kale si qoto dheer uga hadalnay AI Waiter, oo dadka ka caawin kara xulashada iyo diyaarinta dalabkooda, restaurant reservations, ordering ahead, iyo sida technology-gu mustaqbalka wax uga beddeli karo habka aan restaurants-ka u isticmaalno.
Faadumo waxay sidoo kale nala wadaagtay waayo-aragnimadeeda iyadoo ah gabar Soomaaliyeed oo startup technology ah ka hirgelinaysa Maraykanka, casharradii ay ka baratay safarkeeda, iyo talooyin muhiim ah oo ku socda dhalinyarada Soomaaliyeed ee leh fikrado ganacsi iyo hal-abuur.
🎙️ Waa wada sheekeysi ku saabsan AI, Technology, Entrepreneurship, Dine App iyo hal-abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.
Daawo podcast-ka oo dhammeystiran, fikirkaagana nagula wadaag comments-ka.
Subscribe saar Somali Diaspora Podcast, lana wadaag qof aad u malaynayso inay sheekadani dhiirrigelin karto.
#SomaliDiasporaPodcast #DineApp #FaadumoAden #AIWaiter #SomaliEntrepreneur #SomaliTech #Entrepreneurship #Technology #ArtificialIntelligence #SomaliPodcast