Перейти к содержимому

AXMED CALI CIGAAL:- LAXAMADII MUCJISADA AHAA EE UU CURIYAY + QISOOYINKA CUSUB.

Jeestaawi Channel

0:00 / 0:00

AXMED CALI CIGAAL:- LAXAMADII MUCJISADA AHAA EE UU CURIYAY + QISOOYINKA CUSUB.

1 502 просмотра · 1 день назад
Jeestaawi Channel
45,1 тыс. подписчиков
1 502 просмотра · 1 день назад
AXMED CALI CIGAAL:- LAXAMADII MUCJISADA AHAA EE UU CURIYAY + QISOOYINKA CUSUB. Sanadkii 1968 Axmed Cali Cigaal waxa uu kamid ahaa koox fanaaniin ah oo laga qoray "Radio Muqdisho" kooxdaa fanaaniinta ahayd ee wakhtigaa laga qoray "Radio Muqdisho" waxay kala ahaayeen AUN Axmed Cali Cigaal, Maryan Mursal Ciise, AUN Xasan Sabriye Afrax (Xasan Gareyt), AUN Faadumo Qaasim Hilowle iyo AUN Cumar Maxamuud Cali (Cumar Dhuule), inkastoo Cumar da' ahaan ka weynaa fan ahaanna ka horeeyay fanaaniinta kale balse wakhtigaa waxa ay ku beegneyd xilligii uu Cumar Dhuule Muqdisho tegay waana sababta ee keentay in Cumar iyo fanaaniinta kale isku mar laga wada qoro "Radio Muqdisho". Dhanka kale Axmed Cali Cigaal wuxuu ahaa "Musishin, Laxamiiste iyo Heesaa" Axmed shaqadiisii ugu horeysay ee fanka waxa uu ku bilaabay doorka ah laxansameeye, riwaayaddii ugu horeysay ee uu Axmed C. Cigaal heesaheeda uu laxameeyo waxay ahayd riwaayaddii "Talo iyo Talaabo" ee uu alifay Abwaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg) ee soo baxday sanadkii 1968 isaga oo Axmed C. Cigaal door weyn ku lahaa riwaayaddaa marka ay noqoto wax soo saarkii dhanka laxamada ee heesihii riwaayaddaa ku jiray isaga oo boqolkiiba lixdan sameeyay laxamada heesihii riwaayaddaa. Sida uu uga waramay Suugaan yahaan Caynaanshe Axmed Macalinkii weynaaye Ibraahim Cali Axmed (Cuucuule) oo ah khabiir iyo xeeldheere suugaaneed heeskii ugu horeeyay ee uu Axmed C. Cigaal laxameeyo wuxuu ahaa heeska "Ma Salguuro Caashaqu" oo ay ku luuqeyn jirtay AUN Xaliimo Kh. Cumar (Magool) kana mid ahaa heesihii ku jiray riwaayaddii "Talo iyo Talaabo". Dhanka kale riwaayaddaa "Talo iyo Talaabo" ee uu alifay Abwaan Dheeg heesihii riwaayaddaa ku jiray waxa ay koobnaayeen ilaa iyo todobo heesood, waxaana todobadaa heesood kala laxameeyeen ilaa iyo afar mullaxan haba ugu badnaadee kuwa uu laxameeyay Axmed Cali Cigaal. Mullaxamiintii riwaayaddaa "Talo iyo Talaabo" heesaheedii laxameeyay waxay kala ahaayeen AUN Cabdilaahi Qarshe, Siciid Xarawo, AUN Xasan Gareyt iyo AUN Axmed Cali Cigaal, Axmed wuxuu laxameeyay ilaa iyo afar heesood oo riwaayadda ku jiray oo kalaa ahaa 1. Heesta "Ma Salguuro Caashaqu" laxanku waa Axmed Cali Cigaal 2. Heesta "Dadnimada Aqoonso" laxanku waa Axmed Cali Cigaal 3. Heesta "Tuke" laxanku waa Axmed Cali Cigaal 4. Heesta "Beri Hore Waxaa Jiray" laxankuna waa isla Axmed Cali Cigaal Waraysigan Waxa Si Xeel Dheer Uga Waramaya Abwaan Saxafi Jilaa Cabdilaahi Kalgacal WQ: Caynaanshe Axmed