Перейти к содержимому

Gabayga Durdur┇Muxammed Ibraahim Warsame “Hadraawi”

Dawlad Podcast

0:00 / 0:00

Gabayga Durdur┇Muxammed Ibraahim Warsame “Hadraawi”

1 007 просмотров · 3 г. назад
Dawlad Podcast
5,47 тыс. подписчиков
1 007 просмотров · 3 г. назад
Gabayga Durdur┇Muxammed Ibraahim Warsame “Hadraawi” Ilaahay ha u naxariisto, innagana samir iyo iiman ha i naga siiyo. Aamiin.😥 ➥Tuducyadan soo socdaa waa kuwo kamida Gabayga oo ka go'ay muuqaalka halkan ka akhriso iyaga oo qoraal ah. Madaxayga deeb uma oggoli waxaan daweyneyne Darro iyo malaas baan timaa ugu dedaalaaye Duunyadu haddii ay gudhoo doogga la idlaysto Waxay tidhi diraacaha dhacaa ima durreeyaane Waxay tidhi dibtaag naaxday baan daban aqaannaaye Waxay tidhi galleydaan dubtaa duraha jiilaale Digir iyo hadhuudh lay karshaa wayga degayaane Dantu waxay i siisaan gutaa daayin mahadshaaye Waxay tidhi digaaggiyo ma cuno hilibka doofaare Darib iyo mud baan kaga baxaa diifta gaajada'e Waxay tidhi haddaan guur damcoo dumarka xiiseeyo Dabagaab shisheeye ah ma geyo imana deeqaane Waxay tidhi hablaa diibka-laa aniga ii doonnan Intaasoo hal oo dood ah iyo faallo daba joogta Oon deel kawada sheegay baan daacad kuu idhiye Waanada ha diidina rag waa lala dardaarmaaye.