digfeer buuga sirta | burji iyo nasiiblaay | digfeer buuga sirta lyrics | digfeer qaraami lyrics
DHUGMAAL
0:00 / 0:00
digfeer buuga sirta | burji iyo nasiiblaay | digfeer buuga sirta lyrics | digfeer qaraami lyrics
264 636 просмотров · 3 г. назад
DHUGMAAL
268 тыс. подписчиков
264 636 просмотров · 3 г. назад
HEESTA : BURJI IYO NASIIBLAAY
LUUQDA: YAASIIN AXMED DIGFEER
LYRICS: DHUGMAAL LYRICS
QORAALKA HEESTA (LYRICS)
Burji iyo nasiiblaay
Barwaaqada ka cararaay
Abaartana u baydhaay
Khayrka balo ka jeceleey
Belo iyo baaska jeceleey
Wuxuu dumar ka baqi jiray
Iyadu u badheedhaay
Bilic lagu khasaaraay
Boqoraddii haweenkee
Hablaha laga la soo boxo
Baryo taan u haystaay
Jacaylkaan mudada badan
Baarka u fidhaayiyo
Beer laxowsigaagii
Ka bogsoodayee kowdhe
Buuggii sirtaadiyo
Boogtaadii waan helay
Kaagana baxee labba dheh
Waxaan baaq u dirayaa
Tacsi ugu bun dubayaa
Caashaqeennii berigii
Barbaartii wax ka ogeyd
Ee Galiinsoor bankiisiyo
Baadiyihisa laga helo
Beel guba inaad tahay
Ilayn beeni raad ma leh
Na dhex marin bariidadu
Ilayn waan isbaranee
Waxayse balo ka joogtaa
Boqol midabya leeyeey
Kan dambeed isbarataan
Siduu bohosha ugu dhici
Balwadaadu Liidiyo
Hadday baarka Curubiyo
Bulsho iyo Taleex tahay
Dhaqan kala baqooshee
Biirka iyo dhayldu
Intee bari intee bari intee
Intee bari bay ku wadayaan ?
#dhugmaal_lyrics #dhugmaallyrics #digfeer