Перейти к содержимому

Laftagareen oo ka hadlay Baydhabo, Al-Shabaab iyo Xasan Sheekh | Wareysi gaar ah

BBC News Somali

0:00 / 0:00

Laftagareen oo ka hadlay Baydhabo, Al-Shabaab iyo Xasan Sheekh | Wareysi gaar ah

354 245 просмотров · 1 месяц назад
BBC News Somali
1,01 млн подписчиков
354 245 просмотров · 1 месяц назад
Muxuu Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ka yiri eedeymaha ah in ciidamo isaga taabacsan iyo Al-Shabaab ay isku milmeen ama wada shaqeyn ka dhexeyso? Wareysigan gaarka ah ee BBC Somali, Laftagareen, oo weli sheeganaya inuu yahay madaxweynaha sharci ah ee Koonfur Galbeed, ayaa ka jawaabaya eedeymo uga yimid dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka cusub ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo sheegay in ciidamo isaga taageersan ay xiriir ama wada shaqeyn la leeyihiin Al-Shabaab. Laftagareen wuxuu eedeymahaas ku tilmaamay “been iyo borobagaando”, isagoo sheegay in ciidamadiisu muddo dheer la dagaallamayeen Al-Shabaab. Wuxuu sidoo kale beeniyay inuu jiro heshiis, wada hadal ama xiriir u dhexeeya dhinaciisa iyo kooxda Al-Shabaab. Wareysiga wuxuu si faahfaahsan uga hadlay dagaalladii ka dhacay Baydhabo, sababta ciidamada isaga taabacsan ay u weerareen magaalada, iyo waxa uu ku tilmaamay isku day ay ku doonayaan inay dib ugu soo ceshadaan maamulka Koonfur Galbeed. Laftagareen wuxuu sidoo kale ka hadlay sheegashadiisa ah inuu weli yahay madaxweynaha sharci ah ee Koonfur Galbeed, doorashadii hoggaanka cusub, xiriirka uu la leeyahay dowladda federaalka, Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, iyo sababta uu u diidayo inuu aqoonsado maamulka hadda ka jira Baydhabo. Wareysiga waxaa sidoo kale lagu weydiiyay sababta ciidamadiisu maanta ugu sugan yihiin deegaanno ka baxsan Baydhabo oo ay ka ag dhow yihiin deegaanno ay Al-Shabaab joogto, eedeymaha ku saabsan in dagaalladii magaalada iyo weerarro Al-Shabaab ay dhaceen waqti isku dhow, iyo haddii wada shaqeyn ama heshiis qarsoon uu jiro. Laftagareen wuxuu sheegay in aysan jirin wax xiriir, heshiis ama wada hadal ah oo ay la leeyihiin Al-Shabaab, isla markaana hadafkiisu yahay, sida uu sheegay, in dadka Koonfur Galbeed ay dib u helaan “xornimadooda, siyaasaddooda iyo mustaqbalkooda”. Wariyaha BBC Somali Xasan Sheekh Cumar ayaa wareystay Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Halkan uga soo biir TikTok-ga BBC Somali 👉🏽 /bbcnewssomali #Somalia #Somali #SomaliNews #SomaliaNews #Laftagareen #AbdiazizLaftagareen #SouthWestState #KoonfurGalbeed #Baydhabo #Baidoa #AlShabaab #SomaliaSecurity #SomaliPolitics #SomaliaPolitics #SomaliGovernment #FederalGovernment #HassanSheikhMohamud #SomaliaConflict #SomaliaInterview #HornOfAfrica #EastAfrica #Africa #AfricanNews #Politics #Security #BBCSomali #BBCNews #BBCNewsSomali #WararkaSoomaaliya #BaydhaboNews --- Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, Abdiaziz Laftagareen, Laftagareen interview, Laftagareen BBC, Laftagareen Al Shabaab, Laftagareen soldiers, Laftagareen Baydhabo, South West State Somalia, Koonfur Galbeed Somalia, Baydhabo, Baidoa, Baydhabo fighting, Baidoa clashes, Al Shabaab Somalia, Al-Shabaab, Somalia Al Shabaab, Somalia security, Somali security, Somalia politics, Somali politics, South West Somalia crisis, Somalia political crisis, Somalia conflict, Federal Government of Somalia, Somalia federal government, Hassan Sheikh Mohamud, Xasan Sheekh Maxamuud, Baydhabo news, Baidoa news, Somalia latest news, Somali latest news, Somalia interview, Somali interview, South West State president, Koonfur Galbeed president, Somalia elections, South West State election, Somalia federalism, Somali federalism, Somalia opposition, Horn of Africa politics, East Africa politics, African politics, African news, BBC Somali, BBC News Somali, BBC Africa, BBC News, Wararka Soomaaliya