Перейти к содержимому

Wakiil | S1E9 | Cabdisamad Macalin: Muranka Dastuurka, Doorashooyinka iyo Khilaafka Siyaasadeed

Dawan TV

0:00 / 0:00

Wakiil | S1E9 | Cabdisamad Macalin: Muranka Dastuurka, Doorashooyinka iyo Khilaafka Siyaasadeed

4 293 просмотра · 13 ч назад
Dawan TV
42,9 тыс. подписчиков
4 293 просмотра · 13 ч назад
Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud, wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya, ayaa barnaamijka Wakiil Bulsho Podcast ee Dawan Media kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, muranka Dastuurka, doorashooyinka qof iyo cod iyo khilaafaadka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka. Wareysiga ayuu kaga warramay waayo-aragnimadiisii siyaasadeed, doorkii uu ku lahaa geeddi-socodkii Soomaaliya looga saaray kumeel-gaarnimada 2012, ansixintii Dastuurka Kumeel-gaarka ah iyo isbeddellada ku yimid hannaanka doorashooyinka dalka. Waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka soo socda, caqabadaha hortaagan heshiis siyaasadeed, doorka Baarlamaanka Federaalka iyo muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal. Ugu dambayn, Xildhibaan Cabdisamad wuxuu farriin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed ee doonaysa inay siyaasadda ku soo biiraan, isaga oo ku boorriyay inay aqoontooda iyo dadaalkooda uga faa’iideeyaan horumarka dalka. Daawo wareysiga oo dhammaystiran. 🎙️ Barnaamijka: Wakiil Bulsho Podcast 🎤 Martida: Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud 🎬 Wariyaha: Zakariye Xasan 📺 Warbaahinta: Dawan Media Time Code 00:00 Hordhac iyo soo dhoweynta martida 01:00 Taariikhda siyaasadeed ee Cabdisamad Macalin Maxamuud 03:30 Sida uu xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha ula wareegay 05:00 Doorashadii Muqdisho ka dhacday 2012 07:30 Hannaankii xulista Baarlamaanka 2012 10:00 Doorka odayaasha dhaqanka iyo nidaamka 4.5 11:30 Dastuurkii ku-meelgaarka ahaa ee 2012 14:00 Doorka Puntland ee diyaarinta Dastuurka 15:30 Farqiga u dhexeeya Dastuurkii 2012 iyo kan cusub 18:00 Muranka Dastuurka iyo doorka Baarlamaanka 20:00 Kursiga HOP#139 iyo doorashooyinka hadda socda 22:00 Qof iyo cod: Fursadaha iyo caqabadaha 24:30 Doorashooyinka Galmudug iyo ururrada siyaasadeed 27:00 Cabashada ururka Tawfiiq iyo go'aanka maxkamadda 29:00 Maxaa sababa kala-guurka siyaasadeed ee Soomaaliya? 31:00 Khilaafaadka doorashooyinka iyo xalalka siyaasadeed 33:00 Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka 35:00 Xeer-hoosaadka Baarlamaanka iyo xaadirista xildhibaannada 38:00 Muddada xilka Baarlamaanka iyo muranka dastuuriga ah 40:00 Talooyinka Cabdisamad u jeediyay dhallinyarada 43:00 Waayihii dhallinyaranimadiisa iyo isbeddelka nolosha 45:00 Gabagabada barnaamijka Ka mid noqo bulshada Dawan Media: Subscribe saar kanaalka, nala wadaag aragtidaada, kuna faafi wareysigan dadka kale. #DawanMedia #WakiilBulsho #SomaliaPolitics #Doorashooyinka #DastuurkaSoomaaliya