HEESTII HADRAAWI EE KACAANKU XAARAANTA KA DHIGAY+QISADA HEESTA HABLAHA GEESKA AFRICA | SAYID KHALIFA
Jeestaawi Channel
0:00 / 0:00
HEESTII HADRAAWI EE KACAANKU XAARAANTA KA DHIGAY+QISADA HEESTA HABLAHA GEESKA AFRICA | SAYID KHALIFA
10 764 просмотра · 1 дн. назад
Jeestaawi Channel
45,6 тыс. подписчиков
10 764 просмотра · 1 дн. назад
HEESTII HADRAAWI EE KACAANKU XAARAANTA KA DHIGAY +
QISADA HEESTA HABLAHA GEESKA
Heestu waxay asal ahaan ka soo jeeddaa maanso dheer oo uu curiyey abwaankii weynaa ee Alle ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), taas oo markii dambe loo rogay hees ay dad badani jeclaadeen.
Hase yeeshee, sheekada heestani kuma koobna oo keliya erayadeeda iyo laxankeeda. Waxa kale oo ku jira caqabado la xidhiidha samaynta laxanka, duubistii heesta, iyo sida ay madaxda xilligii Kacaanku uga falceliyeen.
CAQABADIHII LAXANKA IYO SAMAYNTA HEESTA
Sida uu fannaan Sayid Khaliif kaga warramay warbaahinta Somaliland, heestu markii hore ma ahayn hees caadi ah oo loo curiyey qaab faneed, balse waxay ahayd maanso dheer oo uu lahaa Abwaan Hadraawi.
Maansada oo dhererkeeda iyo qaab-dhismeedkeeda suugaaneedba lahaa culays u gaar ah ayaa u baahnayd in loo helo laxan ku habboon, si erayadeedu ugu gudbaan dhegaha dhagaystayaasha iyaga oo aan lumin quruxdooda iyo macnahooda.
Sida Uu Sheegay Fanaan Sayid Khaliifa Hawshaasi ayaa noqotay mid u baahan dadaal iyo waqti, maaddaama ay ahayd in maansada loo waafajiyo habka heesaha loo qaado, iyada oo la ilaalinayo miisaanka, habdhaca iyo farriinta ku jirta erayada abwaanka.
Ugu dambayn, muddo dheer ka dib, Sayid Khaliif waxa uu maansadii u rogay hees, isaga oo u sameeyey qaab ay dadweynuhu ku dhegaysan karaan, kuna xasuusan karaan farriinteeda.
Fannaan Sayid Khaliif, isaga oo ka sheekaynaya waayihii heesta iyo caqabadihii ka hor yimid, waxa uu sheegay in markii uu heesta u duubay Radio Muqdisho la weydiiyey cidda iska leh erayada.
Markaas waxaan sheegay in “aan anigu leeyahay, waa Sayid Khaliifee.”
ABWAAN HADRAAWI, XUKUUMADDII KACAANKA
Sida uu Sayid Khaliif sheegay, heestu waxay dhib ku noqotay qaar ka mid ah madaxda xukuumaddii Kacaanka, waxaana ugu dambayntii la joojiyey baahinteeda.
Arrintan ayaa sheekada heesta ku xidhaysa waayihii siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan xilligii ay talada dalka haysay dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre.
Abwaan Hadraawi waxa uu ka mid ahaa hal-abuurkii suugaantooda ku muujin jiray aragtiyo bulsheed iyo kuwo siyaasadeedba. Waxa uu markii dambe si cad uga horyimid xukuumaddii Kacaanka, taas oo keentay in xidhiidhkiisa maamulkaasi noqdo mid muran iyo iska horimaad siyaasadeedba yeesha.
MAXAY HEESTU KA HADLAYSAA?
Inkasta oo heestu soo martay duruufo siyaasadeed, haddana dulucdeedu waa ammaanta iyo bogaadinta hablaha Soomaaliyeed ee ku nool Geeska Afrika, iyada oo muujinaysa Geesinimad , quruxda, sharafta ,haybadda, Kartida iyo qiimaha dumarka.
Waraysiga Waxa Qaaday Caasha-luul Oo Ka Tirsan Muuq baahiya Somaliland Laantii Ingiriiska
W/Q Xamse Cali Jeesto