Перейти к содержимому

Aadan Faarax Samatar xayaad | heesta xayaad | waa duni xadgudubtoo | miyaa layga kaa xaday | xayaat

DHUGMAAL LYRICS

0:00 / 0:00

Aadan Faarax Samatar xayaad | heesta xayaad | waa duni xadgudubtoo | miyaa layga kaa xaday | xayaat

155 444 просмотра · 3 года назад
DHUGMAAL LYRICS
261 тыс. подписчиков
155 444 просмотра · 3 года назад
Heesta : Xayaad Luuqda: Aadan Faarax Samatar LYRICS: DHUGMAAL LYRICS QORAALKA HEESTA (LYRICS) Waa duni xadgudubtoo Xaqa baadil qariyoo Runtu xeelad noqotoo La is wada xaqirayee Waa xubin maroortoo Xin iyo wareer iyo Xagaldaac ma waydee Ma xalaa laguu yimid ? Waa taan Xayaadeey Xidhiidh kula wadaagee Miyaa layga kaa xaday ? ************************* Waa duni xadgudubtoo Xanta lala wareegoo Loo xaydanyahayoo Xajiin la isla dhacayee Waa xubin maroortoo Xin iyo wareer iyo Xagaldaac ma waydee Ma xalaa laguu yimid ? Waa taan Xayaadeey Xidhiidh kula wadaagee Miyaa layga kaa xaday ? ************************ Waa duni xadgudubtoo Xeer la iska diidoo Xumaan lagu tartamayoo Xabaal la isku ridayee Waa xubin maroortoo Xin iyo wareer iyo Xagaldaac ma waydee Ma xalaa laguu yimid ? Waa taan Xayaadeey Xidhiidh kula wadaagee Miyaa layga kaa xaday ? ************************** Waa duni xadgudubtoo Xishood laga dhaqaaqoo Xirriibaha la xiirtoo Xigto lagu shaqeeyee Waa xubin maroortoo Xin iyo wareer iyo Xagaldaac ma waydee Ma xalaa laguu yimid ? Waa taan Xayaadeey Xidhiidh kula wadaagee Miyaa layga kaa xaday ? #dhugmaal_lyrics #dhugmaallyrics