Перейти к содержимому

FARIIN KA SOO BAXDAY AGAASIMAHA MU’ASSASADA IJAABO FARXADDA MUNAASABADDA DHALASHADA XABIIBKEENNA Mﷺ

Hoyga iftiinka Diinta TV

0:00 / 0:00

FARIIN KA SOO BAXDAY AGAASIMAHA MU’ASSASADA IJAABO FARXADDA MUNAASABADDA DHALASHADA XABIIBKEENNA Mﷺ

18 просмотров · 1 месяц назад
Hoyga iftiinka Diinta TV
2,13 тыс. подписчиков
18 просмотров · 1 месяц назад
FARIIN KA SOO BAXDAY AGAASIMAHA MU’ASSASADA IJAABO FARXADDA MUNAASABADDA DHALASHADA XABIIBKEENNA NABIGEENNA MUXAMMAD ﷺ Anigoo ku hadlaya magaca Mu’assasada Ijaabo waxaan dhammaan Muslimiinta, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed, ugu hambalyeynayaa Daah-furka iyo Bilaabashada Bisha Mowliidka, oo ah bisha barakaysan ee lagu xuso dhalashada Xabiibkeenna, Nabigeenna Muxammad ﷺ. Bisha Mowliidku waa fursad aynu ku muujinno jacaylka iyo xusuusta aan u hayno Rasuulkeenna Muxammad ﷺ, kuna kordhinno saliga iyo salaanta, akhrinta siirada iyo barashada akhlaaqdiisa wanaagsan. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan bulshada in si farxad, walaaltinimo iyo ixtiraam leh looga qaybqaato munaasabadaha Mowliidka, lagana faa’iidaysto duruusta iyo barnaamijyada kheyrka leh ee la qabanayo. Mu’assasada Ijaabo waxay ku faraxsan tahay inay taaba-geliso munaasabaddan qiimaha badan, waxaana dhammaan bulshada ugu baaqayaa inay ka soo qaybqaataan. Wabillaahi Towfiiq. Shiikh Aadan Suufi Yare Agaasimaha Mu’assasada Ijaabo