Madaxweynaha JFS ayaa ka qeyb-galay Munaasabada 12 Abril sanadguurada 66aad ee Aas aaska ciidanka
Villa Somalia
0:00 / 0:00
Madaxweynaha JFS ayaa ka qeyb-galay Munaasabada 12 Abril sanadguurada 66aad ee Aas aaska ciidanka
438 просмотров · 5 месяцев назад
Villa Somalia
15,4 тыс. подписчиков
438 просмотров · 5 месяцев назад
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qayb galay munaasabadda xuska sannad guurada 66-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray dhammaan Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Inta ay socotay munaasabaddu, cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada ciidanka, cir iyo dhul, iyadoo gaadiidka gaashaamaan, Halyeeyada naftood hureyaasha ah, dabaabadaha iyo diyaaradaha dagaalka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay muujiyeen sida ay ugu diyaarsan yihiin xoreynta iyo difaaca dalka