Перейти к содержимому

GEEDFADHI#56: CADDAANI HIRMOOGE | HALGANKII ONLF | JWXO| SOOMAALI GALBEED| MUSTAQBALKA GEESKA AFRIKA

Somali Stream

0:00 / 0:00

GEEDFADHI#56: CADDAANI HIRMOOGE | HALGANKII ONLF | JWXO| SOOMAALI GALBEED| MUSTAQBALKA GEESKA AFRIKA

61 775 просмотров · 1 день назад
Somali Stream
211 тыс. подписчиков
61 775 просмотров · 1 день назад
𝐆𝐄𝐄𝐃𝐅𝐀𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀 𝐂𝐀𝐃𝐃𝐀𝐀𝐍𝐈 𝐇𝐈𝐑𝐌𝐎𝐎𝐆𝐄 𝐈𝐘𝐎 𝐇𝐀𝐋𝐆𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐎𝐍𝐋𝐅 Waxaan waraysi 3 saacadood iyo 20 daqiiqo socday la yeelannay Halgamaa Cabdulqaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), Afhayeenkii ugu waqtiga iyo shaqada dheeraa ee JWXO (ONLF). Caddaani wuxuu nagala sheekeystay taariikhda halganka Soomaaliyeed ee Soomaalida Galbeed oo soo bilowday 1950aadkii, ayna hormuud u ahaayeen Sheekh Cali Sheekh Cabdiraxmaan (Sh Cali Suufi) iyo Garaad Makhtal Daahir, sida ciidankii Jabhadda Al Nusrah ay uga mid noqdeen aasaaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, laba kaclayntii Soomaali Galbeed oo hoggaanka loo dhiibay Danjire Cabdullaahi Xasan oo markii dambe Safiir ka noqday Masar. Waxaan eegi doonnaa sababihii keenay aasaaskii ONLF, cadaadiskii ay kala kulmeen Xukuumaddii Milatariga ahayd, xafiisyadii ay ka furteen Suuriya, Ciraaq, Suudaan iyo meelo kale, gorgortankii Jabhadihii la dagaallamay Mingistu ay la galeen iyo sida ay uga biya diideen dalabkii Meles Zenawi, wada shaqeyntii Maxaakiimtii Islaamiga ahayd iyo abaabulkii jaaliyadaha dibadda, gacan qabashadii ay ka heleen dalka Kenya, Suudaan iyo Eritrea, iyo heshiiskii Casmara ee ay hubka ku dhigeen. Waxaan soo gaaraynaa waqtiyadii danbe ee wada xaajoodyada ay kula jiraan TPLF, FANO, OLA iyo jabhadaha kale ee ku kacsan Abiy Axmed, mustaqbalka sida ay doonayaan in ay uga qeybqaataan siyaasadda Itoobiya iyo sii jiritaanka himilada ONLF. Waraysiga Caddaani Hirmooge wuxuu kamid yahay dhaxalka uu Geedfadhi u reebayo taariikhda jiilka dambe ka hiigsan karaan halyayadooda iyo diiwaangelinta dhacdooyinka taariikheed ee qaabeeyay nolosha dadka Soomaaliyeed. Please Subscribe, Like and Share for more Updates. #Somalia #Ethiopia #JWXO #ONLF #CaddaaniHirmooge #Halgamaa #Ogaadeeniya #Ogaden #Sudan #eritrea #Kenya #AbuyAhmed #PP #Jigjiga #Mogadishu #Soomaaliya #Somaliland #Puntland #Jubaland #Geedfadhi #Somalistream #Kaartalk