Перейти к содержимому

EPO5: Waxa aynu doonayno iyo wadku way is hareer ordayaan mid soo horeyna war uma hayno.!!

Nazreen zallah

0:00 / 0:00

EPO5: Waxa aynu doonayno iyo wadku way is hareer ordayaan mid soo horeyna war uma hayno.!!

32 730 просмотров · 1 г. назад
Nazreen zallah
75,2 тыс. подписчиков
32 730 просмотров · 1 г. назад
DADKA AAD JECESHAHAY KOLKA AY DHINTAAN WAAD LA SII NOOLAAN DOONTAA XASUUSAHOODII, HADALADOODII WAANOOYINKOODII, DHOOLA CADAYNTOODII, HALKII AY FADHIISAN JIREEN, SIDII AY YEELI JIREEN, HALKII AY WAX KU CUNI JIREEN, WIXII AY QABAN JIREEN IYO HADBA WIXII AY REEBEEN OO DHAN HAWL YARI KA GUDBI MAYSID OO BOGSOON MAYSID’ WAAD SE MAHAD NAQI DOONTAA, SII XARAGOON DOONTAA, SII QOSLI DOONTAA, SIINA NOOLAAN DOONTAA SI CAADI AH SIDA DADKA NOOL ADOO HABEENKII ILMAYNAYA’ OGNA HALKA YAR EE NAFTII AAD JECLAYD LAGAGA YIMID ADIGANA KU SUGAYSA. "ونحن بكم لاحقون" HA HILMAAMIN GACMAHA, MADAXA, IYO DHABANKA WAALIDIINTIINA IN AAD DHUNKATAAN WLLHI WAA FURSADO AAN MAR LABAAD SOO NOQOD LAHAYN HADAY GALBADAANE . ‎ما أصاب من مصيبة إلا بإذن الله ومن يؤمن بالله يهد قلبه | الآية 11 من سورة التغابن Wax culayskiisa lihi ma dhacaan oo musiibo ahi illaa ilaahay doorshadiisa, qadartiisa iyo doonistiisa ayay ku dhacaan. Midkiina ilaahay rumeeyay ee awoodiisaa yaqiinsan waxba ku culays noqon maayaan se oo ilaahaybaa qalbigiisa sugaya, dajinaya oo hadaynaya. Waa sababta samirku u yahay marka koobaad ee musiibo kugu dhacdo. Alla hoogay inaad tidhaahdo iyo inaad tidhaahdo qadarlaahu wa maasha facal alxamdulihi calaa kulli xaal waykala duwan-tahay. Ilaahay qadarihiisa kuwa ku raali noqdo, ku cibro qaata, ugu dhawaada ee ku xamdi naqa ha inaga yeelo. ‎اللهم لك الحمد في اليسر والعسر اللهم لك الحمد على نعمك التي لا يحصيها غيرك. Ilaahayoow mahadaa maanta. Ilaahayoow mahadaa barri. Ilaahayoow mahadaa waligeedba.