cumar nuur cabdulle dusha timaha | dusha timaha guudka hees | dusha timaha guudka | dusha timaha
DHUGMAAL LYRICS
0:00 / 0:00
cumar nuur cabdulle dusha timaha | dusha timaha guudka hees | dusha timaha guudka | dusha timaha
452 949 просмотров · 3 года назад
DHUGMAAL LYRICS
256 тыс. подписчиков
452 949 просмотров · 3 года назад
HEESTA: Dusha Timaha Guudkee
ERAYADA: AUN C/Qaadir Xirsi YamYam
LAXANKA: AUN C/kariin Faarax Qaareey (Jiir)
LUUQDA: AUN Cumar Nuur Cabdulle
Qoraalka Heesta ( Lyrics )
🔷️ Beyd 1Aad
Dusha timaha guudkee
Dib u dhaafay araxdiyo
Dibna hadalka qaadmada
Ilka dabar cad kaga yaal
Dib markaan u fiirsado
Fanax-yarada hoosiyo
Iddishayee cabaaryada
Isla gaaray dacallada
Dheegga labada garab iyo
Waaxyaha dushoodaa
Dan dhaqaaqa laafyaha
Dadyow anigu yaabayee
Ma dadkii kitaabkiyo
Diinteenu sheegtee
Degganaa fardowsoo
Soo daahiraa ?
🔷️ Beyd 2Aad
Doqontii nasiiblee
Damac kaa galaabaa
Deggan waa la saaraa
Daymada jalleecada
Markii aan ku daawaday
Indhuhu meel ay diidaan
Daa'in kuuma yeeline
Daruuryahay adoo kale
Nabi Yuusuf (c.w) dabadii
Lama-keenin dunidee
Nasiibku haygu kaa daro
Ma dadkii kitaabkiyo
Diinteenu sheegtee
Degganaa fardowsoo
Soo daahiraa ?
🔷️ Beyd 3aad
Dawliilka dhererkee
Daray-baxay la moodiyo
Deggenaanta socodkiyo
Dun wanaagga dhalanka ah
Damqashada kalagacalka leh
Da'dey tahay wax garashada
Dar-Illaahay siday tahay
Intaa timaha dabatiyo
Dumar gebi-ahaantii
Dhan loo dayaba inanyahay
Qurux kulama daw-nanid
Ma dadkii kitaabkiyo
Diinteenu sheegtee
Degganaa fardowsoo
Soo daahiraa ?
#dhugmaallyrics #dhugmaal #dhugmaal_lyrics