Waa Weli Adduunyadu | Axmed C. Cigaal
Uurkubaalle
0:00 / 0:00
Waa Weli Adduunyadu | Axmed C. Cigaal
447 просмотров · 6 мес. назад
Uurkubaalle
278 подписчиков
447 просмотров · 6 мес. назад
"Waaberi inay tahay, iyo wadar habeennimo... weydii naftaadoo,.... wedku ha inoo daayo, inaad wanaaggaa, ....waaritiin u leedahay..waan is waraysan doonnaa!..."
Noloshu way soconaysaa, waa geeddigaa. Waxa laga yaabaa awrtaasi inay rug qabow gadiidkii ka soo dhakooleen, goorta ku xigtana kob kale ku negaan doonaan. Waa hadhka labadiisa gelin, waa meerta soconaysa, mana jiro wax hubanti oo laga yaqaan. Waxa qudha oo la og yahay waa in ay laba jaad tahay, isla markaana aysan lahayn bar loogu hagaago.
Noloshu waa fahan, waa kaadsiiyo, waa dhimrin, waa in la bogto, xaalad kasta oo ay tahay degenaanta la ogaado. Maxaa yeelay, waxa habboon in la dhawro, kadib waad bogan doontaa. Waxa looga jeedaa, xaaladda aan maanta ku sugan tahay iskeeda ha ula dhicin, u fahan inay tahay meerta waayaha ka mid ah, berrina sida hooska dhan kale kaaga wareegi doonto. Goorta aad intaa fahantid, waxad garan doontaa in uusan degdegu wacnayn. Sidaas darteed, nolosha waxa ugu badan ee la isaga tebiyo waa faallo dardaarwerin ah oo ku saabsan in maalmaha la sugo. "Haddii aan noolaan doonno, waa loo joogi doonaa." Waxa la saadaalinayo waa isbeddelkii lagu yaqaannay, baasaha haddeer waxa lagu ebyaa timaadada danbe ee badhaadhaha, ama isbeddelka kaas hore lidkiisa ah oo waayuhu sidoodi keeni doonaan. Haddii aad se maanta oo qudha waxba xaalayn weydo, ama xumaanta gar u guddoonsatid, waxa lagu tebin doonaa dardaarankii waayaha, ma aha in la iska kaa dhicinayo, maya ma aha sidaas, waa in lagu la yaabban yahay, garashadaada taws lagu ogaaday, waayo qof fahan wacani geddaa uma dhaqmo. Waxa ina huran in aynaan nolosha iskeeda ugu qaadan yool, kaas oo dartii xumaanta u abdayno.
Qofka gurracan marka wakhtigu lagu ballaminayo, ma aha in waayahuhu xumaanta iyo samaanta u kala garqaadaan, xumaantana ganaaxaan, samaantana gargaaraan. Maya, wakhtigu cidna lama jiro. Wanaagga waa ujeedada la rabo, falka iyo fiiradiisu waa hiigsi ay tahay inaan wada haleelno, wixii danbe ee is doorinta waayuhu yeelaanna, loo jabi maayo, waa loogu talagalay in wanaagga sidaa loo yeelo. Hayeeshee, xumaanta oo laga ufoodo, ciddii wax moodda ama falkeeda ku dhiirrata, waxa iman doonta in lala yaabo, garasha yarina lagu tuhmo, sababtoo ah, wakhtiga ayaa iskii u wareemi doonaa, kolkaa iyada oo noloshu caynkaa tahay, waxa uu xumaanta uga yaabi waayay ma aha fiicnaan.
Waaya'aragnimada noloshu waa dardaarankan, "waaan is waraysan doonnaa.." inta badanna waxa middaa ku lammaan, talagalayo, ama in lagu soo bandhigo fursad aad iskaa u garwaaqsato. "waaberi inay tahay, iyo wadar habeennimo, weydii naftaadoo... Wedku ha ina daayee, bal inaad wanaaggaa, waaritiin u leedahay.." Waxa runta lagaaga soo dhuray waaya'aragnimada, iyada oo lagaa talageliyay waxa aan la kulmi doontid. Is weydiin toyasha ah baana lagu raaciyay, waxa iman doona, hooska labadiisa gelin ayaanka aad ka heshid. Intaa kadib, si kasta oo ay noqoto, waxa la huran yahay geeddigaa. Socodkaa ay noloshu dhexdiisa gebidhaclaynaso, waa falaga meeraaya, dushiisana aynu xoonsan nahay. Waxa nahay heeddadaw, mana aha inaan nasiibxun nahay, waa se inaan dad nahay, in heedaddawgu yahay baxaali uu xilligu leeyahay.