Maxamed Mooge | Coonodiid | 51
HIBAALE Lyrics
0:00 / 0:00
Maxamed Mooge | Coonodiid | 51
30 138 просмотров · 3 г. назад
HIBAALE Lyrics
5,33 тыс. подписчиков
30 138 просмотров · 3 г. назад
Heeskan waxa allifay Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyo e Xuseen Jaamac oo ku magac dheeraa “Xaaji Gujis”. Heeskani malahayga waa heesaha ugu quruxda badan ee uu Maxamed Mooge ku luuqeeyo. Waa hees ammaan halkii ugu sarraysay ah, waana hees farshaxannimada midhaheeda la isku saaray ay ku dareensiinayso hodantinnimada uu mu’allifka curiyay suugaanta u lahaa. Waxa uu sawirayaa ugu horraynba deegaan qurxoon, oo inta Eebbe nimcadiisa ku maansheeyay dabadeed na ay duunyadu si bilaa tacluus ah ay aashood u taxaashayaan. Codka shinbiraha, shanqadha biyaha ‘shalaw’ leh iyo kuwa ‘shagax’ leh. Midabbada midhaha hoobaanta ah, kuwa ugurta ah iyo kuwa caddaysta ah ee ishaadu aanay sinaba uga dhergayn muuqaalkooda, afkaaguna aanu macaanka uga qaraarayn, calooshaaduna aanay tayadooda uga haagi karayn ayuu innoo sawirayaa.
Intaasi waa sahaalo e quruxi waa danbaysaa allaylahee. Waxa se cajab qabta, nimcadaas aynnu ka soo sheekaynay oo araarta heeska ah, ayuu hal’abuurku ku leeyahay, ‘ninka halkaas cuudkiisa ku dhaqda ee aan belo iyo baas toona ogayn, haddiiba aan noqon lahaa, waxa aan ka sii jeclaan lahaa aniga oo cadraddii aan calmaday gibin aan badnayn cawaysnimo kula kaliyaysta’! Amakaagu waa tan oo kale....
Waxa kale oo uu halkaas ka galayaa ammaanta inanta, isaga oo dhan walba oo uu ka eegaba ay muxibbo iyo kalgacal ku sii abuurayso. Dumarka kuwo socod badan ayaa jira oo raggu karaahiyaysto e, inantani gurigooda ma dhaafto. Qaar baa hadal qallafsan oo aad mooddaa in naxariista laga qadiyay e, inantni sida ay u hadal toosanthay caalim qawlka Rabbi iyo kii Rasuulka mooyaane aan wax kale afkiisa laga maqlayn oo kale ayaad mooddaa. Inani waa hooyadeede, sharafta iyo milgahana wax ay dhab uga hiddaysatay boqoraddii xansheerka ku soo qaadday horraaddadeedana soo nuujisay. Mid mid u dul istaaga haddii aynnu is nidhaahno ka gayoon mayno e, sida deegaan ay daruur laxaad lihi ay ku hoortay, ayay inantanna xaddigii ay ammaani lahaan lahayd oo dhammi ugu hooreen, waxaana sida mahiigaankaas ugu hanqadhay Xaaji Gujis, midhihiisa na waxa meel mar iyo taabbud ma dhaafaan ah ka sii dhigay codkii luxdanaa ee Maxamed Mooge Liibaan; waxaanu yidhi: