Перейти к содержимому

02: Wadaad-Waranle: Halgamadii Wadaadada Kale. Dr Cabdiraxmaan M. Baadiyow

Horn Concern

0:00 / 0:00

02: Wadaad-Waranle: Halgamadii Wadaadada Kale. Dr Cabdiraxmaan M. Baadiyow

1 027 просмотров · 5 лет назад
Horn Concern
937 подписчиков
1 027 просмотров · 5 лет назад
WADAAD-WARANLE: HALGAMADII WADAADADA Dhaqdhaqaaqii Daraawiishta ee uu hoggaaminayay Sayid Maxamed Cabdille Xasan waxa uu ku salaysnaa diin. Diintu waxa ay ahayd gundhigga aydiyaloojiyadeed ee dhaqdhaqaaqa iyo awoodda shidaalinaysay nolosheeda maalinlaha ah. Cunsurka diimeed waxaaba laga dheehan karaa magaca, Darwiish, oo ka soo jeeda Carabi. Darwiishku waa suufi qaatay nolol saboolnimo iyo guntigiijis, noloshaas oo loogu adeegayo Alle iyo bulshadaba. Waxaan ka arkaynaa diin ku dhaqankii Sayidka iyo Dariiqadii Saalixiyada ee uu ku metelayay Soomaaliya. Xaqiiqdii warbixin kasta oo saamaynta diinta aan xisaabta ku darsani awood uma lahaanayso in ay faallayso hanaqaadkii Daraawiishta, guulahoodii, and dhabar-adayggoodii yaabka lahaa. Sidaa oo ay tahay, haddana Daraawiishtu ma ahayn dhaqdhaqaaqa diimeed ee keligii ku hawlanaa iska caabbinta gumeysiga iyo saamaynta shisheeye. Dhaqdhaqaaqyo kale ayaa dhulka Soomaalida ka samaysmay kuna hanaqaaday, kuwaas oo marna ay wada shaqayn ka dhexaysay marna u tartamayay saamaynta bulshada. Dr Baadiyoow waxa uu ka hadli doonaa kaalintii diintu ku lahayd Daraawiishta, in gundhigga halgankoodu ahaa dib u soo noolaynta kaalintii Islaamk—ee uusan ahayn waddaniyad—, iyo kaalintii ay ku jireen dhaqdhaqaaqyadii kale ee Islaamiga haa.