Перейти к содержимому

Digfeer Iyo Siraad Cabdule | marka Geelu | digfeer iyo siraad cabdulle hees markuu geelu ubadka

DHUGMAAL LYRICS

0:00 / 0:00

Digfeer Iyo Siraad Cabdule | marka Geelu | digfeer iyo siraad cabdulle hees markuu geelu ubadka

391 148 просмотров · 3 г. назад
DHUGMAAL LYRICS
263 тыс. подписчиков
391 148 просмотров · 3 г. назад
Heesta: Marka Geelu Ubadkiyo Luuqada: Axmed Y. Digfeer Iyo Siraad Cabdulle LYRICS: DHUGMAAL LYRICS qoraalka Heesta (Lyrics) Markuu geelu ubadkiyo Ilmahiisa diidee Ag fadhiisan waayee Geedaha ugbaadka ah Uu eegi waayee Indhaha uu ka laliyee Ololee habeenkii Kolba oodda jabiyee Amakaago kii waday Siduu ugu arrimin jiray Uurka waxaan ku haystiyo Halkaan aa ka leeyahay Rag waa kii aqoon'lee Ammaad garan abboowow? **************************** Marka uu alleylkii Uugaabo geeluyee Awrtu qooqi weydee Abeerkiisa naaxiyo Aarankiyo qaalmuhu Af dhuubleyni waayaan Jeel bay la oloshoo Oho baa la odhan jiray Carra uu iligta saariyo Darab baa lagu ekayn jiray Uurku baalle maahiyoo Halkaad aa ka leedahay Ma ogaaan karaayee Ujeeddadaada ii sheeg? ************************ Arimmada jacaylkaan La eedaadayaayoo Laysku aamusiyaayee Afkaan gacanta saaraa Adkaysaan idhaahdaa Haddana ways illaawaa Orod baan is xaabshaa Markaan kuu imaadaa Eray layga waayaa Indhaha hoos u rogayaa Uurka waxaan ku haystaba Kuu imide waykane Arrintayda meel mari Ergadaana waanee **************************** Caqli iyo haweenku Edebtaba ku kala tage Indhahana u kala rooneey Aniguna allaylehe Hablaha aynigaaga ah Taan ka eeganaayaay Naftu adiga mooyee Maba oga in gabadh kale Adduunyada ku nooshahay Adduunyada ku nooshahay Taan u iilanaayaay Uurka waxaad ku haysaa Anna igu ogaataa Jacayl igu abuurtaye Inaan adkeeyo caashaqa Uurka waxaan ku haystaba Kuu imide waykane Arrintayda meel mari Ergadaana waanee Uurka waxaad ku haysaa Anna igu ogaataa Jacayl igu abuurtaye Inaan adkeeyo caashaqa #dhugmaallyrics #dhugmaal_lyrics #dhugmaal