Перейти к содержимому

cashar baa la ii dhigay lyrics | khadra daahir iyo axmed cali cigaal cashar | cigaal iyo khadra

DHUGMAAL

0:00 / 0:00

cashar baa la ii dhigay lyrics | khadra daahir iyo axmed cali cigaal cashar | cigaal iyo khadra

489 282 просмотра · 3 г. назад
DHUGMAAL
267 тыс. подписчиков
489 282 просмотра · 3 г. назад
HEESTA : Cashar baa la ii dhigay ERAYADA : Maxamed Cumar Huryo LUUQDA: Axmed C. Cigaal & Khadra Daahir LYRICS: DHUGMAAL LYRICS QORAALKA HEESTA ( LYRICS ) Cigaal Cadceediyo inan yahay Hadhka geedku laba cayn Cisho nool ba weeyee Haddii aan ku baday ciil Caloolyowna kugu riday Nabsigii isoo celi Cabashana ku baanee Haddaan caawa kuu imi Adiguna canaadiyo Ka cad gooso hays odhan Cashar baa la ii dhigay Aan ku cibro qaatee Cadhadii iska iloow Khadra Calool nugulidaayeey Madigay cawaansaday Haddaad ciidda hoosiyo Gashid meel cidhiidhiya Ama ay col iyo guluf Warmo kaaga cararaan Walee ciidan kuma taro Waxba hay calaacalin Markaan caada tiigsaday Adaa laydha ka cabee Cigaal Hadduu cararo inan yahay Cawl uu nin ragi ganay Dantu way cuslaysaa Cirka sare shimbir u lalay Cabaar waa ka dabadii Soo dhiga cagaha oo Ma huraayo ciiddee Haddaan caawa kuu imi Adiguna canaadiyo Ka cad gooso hays odhan Cashar baa la ii dhigay Aan ku cibro qaatee Cadhadii iska iloow Khadra U adkeyso caashaqa Qayrkaana ha ceebayn Naftaad cadowga u ahayd Cisi kuma tareysee Maaba sida janada caad Cirka sare laguu diro Anna aan caweystee Waxba hay calaacalin Markaan caada tiigsaday Adaa laydha ka cabee #dhugmaal_lyrics #dhugmaallyrics #cigaal