Fiitamiinnada ama Vitamins
Dr Abdinor Mohamed
0:00 / 0:00
Fiitamiinnada ama Vitamins
1 504 просмотра · 3 недели назад
Dr Abdinor Mohamed
433 подписчика
1 504 просмотра · 3 недели назад
Fiitamiinnadu waxa ay qayb muhim ah kaga jiraan sida jirkeennu u shaqeeyo iyo caafimaad qabkiisa.
Baraarug la'aanta dadka qaarkood ayaa waxay keeni kartaa in aysan qaadan fiitamiinnada, taasina waxay keeni kartaa in jirka ay soo gaaraan dhibbatooyin la xiriira difaaca jirka, korriinka iyo bedqabka jira, sidoo kalena fiitamiinnadu waxa ay u wanaagsan yihiin in jirku uu cuntada si wanaagsan uga faa'iideysto, soo saarista unugyada dhiigga iwm.
Haddaba waxaa in badan aan aragnaa in dadweynuhu ay u qabaan in fiitamiinnada ay qaataan dadka buka oo uu dhakhtarku u qoro taasoo faham khaldan oo loo baahan yahay in bulshadu ay beddesho.
Fiitamiinnada waxaa u baahan qof walba ama xanuun ha qabo ama ha caafimaad qabee, sidoo kale waxaa mudan in ay u sii baan yihiin dadka da'doodu ka sarrayso 50 sano, dumarka iyo carruurta soo koreysa.
Sidaa awgeed waxaa lagama maarmaan ah in in dadweynuhu ay dhakhtarkooda ay mar walba kala tashadaan fiitamiinnada iyo cuntooyinka ay ka heli karaan ayna joogteeyaan badqabka (wellbeing) caafimaadkooda mar walba si loo hubiyo loogana hortago hoos u dhac ku yimaada jiroo iyo caafimaadkoodaba.
Waxaan idiin rajeynayaa caafimaad wanaagsan