Перейти к содержимому

Gabaygii AAR GABOOBEY: Xaaji Aadan Axmed Afqalooc

Isse M. Jama

0:00 / 0:00

Gabaygii AAR GABOOBEY: Xaaji Aadan Axmed Afqalooc

25 978 просмотров · 4 года назад
Isse M. Jama
1,64 тыс. подписчиков
25 978 просмотров · 4 года назад
AAR GABOOBEY Bishii Febraweri 1969-kii ayuu Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc) faallo daymooday gun iyo baar waayihii dalku ku sugnaa. Waxa meel walba daadsanaa oo ishu ku dhacaysey foolxumooyin ka dhashay doorashooyinkii hiirtaanyada badnaa ee ‘Food khasaaray’ la magaca baxay iyo fadqalallooyinkii ay samaynayeen axsaabtii siyaasadda ee doorashooyinkaas ku loollamaysey. Xaajigu doorashooyinkaas wuu qaaddacay oo kama uu qayb qaadan, cidna ma siin codkiisa. Umal iyo ciil ku gaaxday ayuu goof la gelayaa, isaga oo aan geeriyoonna dhimasho isu dhigayaa! Waxa uu Xaaji Aadan Af-qallooc garasho daymoonayaa adduunyadii kale ee Soomaalida la midka ahayd ee lala gumaysanayey ee Afrika, Aasiya iyo Laatin-Ameerika oo dadkoodii guntiga marada lowga geeyey oo u tafa xaydan in ay hore u heetiyaan, qaarkoodna horumar la taaban karaba sameeyeen oo guclo orod ku jiraan, halka Soomaaliduna ay dib u sii guurayso oo dabada dib ugu siqayso. Taas ayuu maan diidayaa oo laf dhuunta u taagan uga dhigmaysa. Waxa dareenkiisa damqaya oo maankiisa dhamac ku shidaya colaadaha iyo dirirta sida macno la’aanta ah uga dhisaalan Soomaalida dhexdeeda miyi iyo magaaloba, sida la isku wada biraynayo ee birta la iskaga wada aslayo, hiirtaanyada, godobta iyo aanooyinka uur-ku-taallada miidhan ah ee qabaliga ah ee Soomaalida dhex yaalla. Waxa Xaajigu jalleeco galaa bixinayaa oo isha ku mudayaa nimankii doorashada galay oo halkan meel madhan soo wada tuban oo is wada gaadaya iyo waxa ay godob iyo utin daaqsadeen ee hareero tuuran. Karis xun iyana wax ku la’! Horaase loo yidhi ‘Hadduu doobi buuxsamo inuu daato la arkee’! Xaaji Aadan waxa uu ka foolinayey waayahaas cakiran ee hurgumooyinka iyo warmaha dhiigaysan jiidanaya. Waxa uu oddorosay in gabbalkii u dhacay oo caleentoodu caddaatay xukuumadihii rayadka ahaa ee sagaalka sannadood mindada daabkeeda isu dhiib dhiibayey ee ummadda cidlada eeri go’anta ah ku ooday. Is beddel dhinac kasta ah oo dalka ka dhaca ayuu sadaaliyey. Dhawr bilood ka dibna waxa dhashay Kacaankii ciidamadu hoggaaminayeen ee Oktoobar 1969. Wuxu yidhi: