Full Documentary | Go’itaankii Suudaanta Koonfureed | Taariikh Murugo xambaarsan
ITAAL MEDIA
0:00 / 0:00
Full Documentary | Go’itaankii Suudaanta Koonfureed | Taariikh Murugo xambaarsan
52 070 просмотров · 1 дн. назад
ITAAL MEDIA
365 тыс. подписчиков
52 070 просмотров · 1 дн. назад
Daawo taariikhda murugada iyo halganka dheer ee dhaliyay dhalashada dalka ugu da'da yar qaaradda Afrika ee Suudaanta Koonfureed.
Dukumentirigani wuxuu si qoto dheer usoo gudbinayaa safarkii dheeraa ee ay soo martay Suudaanta Koonfureed, laga soo billaabo markii uu gumeystihii Ingiriisku cagta dhigay dhulkaas sanadkii 1899-kii, isaga oo abuuray kala-qaybsanaanka diimeed iyo bulsho ee u dhexeeya Waqooyiga iyo Koonfurta, illaa dagaalladii sokeeye ee daba-dheeraaday ee uu dhiigga badan ku daatay.
Sidoo kale, barnaamijku wuxuu si dhow uga sheekaynayaa heshiisyadii taariikhiga ahaa ee nabadda, kuwaas oo hoggaamiyay aftidii masiiriga ahayd ee 2011-kii ay ku gaareen in ay noqdaan Jamhuuriyad Madaxbannaan.
Ugu dambeyntii, dukumentirigu wuxuu falanqaynayaa cawaaqib-xumadii ka dhalatay xornimada jamhuuriyaddan; sida dagaalladii sokeeye ee dhexmaray hoggaamiye-yaashii xorriyadda keenay ee Salva Kiir iyo Riek Machar, musuqmaasuqa baahsan, abaaraha iyo gaajada ragaadisay shacabka, iyo sida ay riyadii ahayd in Koonfurta Suudaan ay noqoto "Yurubta Afrika" ay ugu dambeyn isu beddeshay halgan loogu jiro badbaadinta nolosha iyo raadinta mustaqbal lumay.