Перейти к содержимому

DILKII CULIMADA SOMALIYED YA KA DAMBEYAY1975?YA SABAB U AHA IN LA DILO?SIDE LO DILAY!!!

Qaanso Media 🎙

0:00 / 0:00

DILKII CULIMADA SOMALIYED YA KA DAMBEYAY1975?YA SABAB U AHA IN LA DILO?SIDE LO DILAY!!!

14 359 просмотров · 10 л. назад
Qaanso Media 🎙
428 тыс. подписчиков
14 359 просмотров · 10 л. назад
Culimada la toogtay waxay magacyadooda kala yihiin allaha u naxariistee. 1. Sheekh Axmed Sheekh Maxamed Xaaji Cusmaan, 2. Sheekh Axmed Iimaan 3. Xasan Ciise Jilibey 4. Sheekh Maxamed Siyaad Xirsi 5. Cali Jaamac Xirsi 6. Cali Xasan Warsame 7. Ya-asiin Cilmi Cawil 8. Aadan Cali Xirsi 9. Suleymaan Ja-amac Maxamed 1. Sheekh Muuse Yuusuf. Sidee lagu dilay, Magacyadooda, Yaa dilka ku xukumay, goormaa la dilay, Xaggeese lagu dilay, sideese loo dilay, Dembigee ayaana lagu dilay?. Maxadweynihii jamhuuriyadii Soomaaliya General Maxamed Siyaad Barre, ayaa khudbad ka jeediyey garoonka ciyaaraha ee banaadir Istadium ee Muqdisho 12/1/1975,oo ku aadaney munasabada ciida Haweenka Aduunka , waxaa uuna halkaas ka sheegay in Golaha Sare ee kacaanka uu go’aansaday taariikha sare ku xusan go’aankan oo ah. Sinaanshaha Raga iyo Dumarka dhankasta. Sinaanshaha Raga iyo Dumarka soomaaliyeed oo ku saleysan xaga dhaxalka ,taas oo salka uga dhigay haddii Gabar uu geeriyoodo aabeheed in la siin jiray Nus ka mid ah dhaxalka uu ka tagay aabeheed ,inta soo hartayna ay qaadan jireem dad aan xaq u lahayn ,wuxuu yiri laga bilaabo maanta iyo wixii ka danbeeyo gabadhaasi waxay ka qaadan doonta dhaxalka aabeheed dhamaantiis, taas waxay la mid tahay in Wiilka iyo Gabadhaba ay isku dhaxal yihiin oo si isla eg ay u qaadanayaa dhaxalka aabahood. Khudbadiisaas wuxuu ku cadeyey in aaney jirin wax la yiraahdo Nus, Rubuc, Thulus…I.W.M.oo xaga dhaxalka ah.