Перейти к содержимому

“SOMALIYA MARKII LALA MIDOOBAY QACDII U HOREYSABA CASHUUR.. | RIWAAYADII ISMOODSIIS | ABWAAN JABIYE

Jeestaawi Channel

0:00 / 0:00

“SOMALIYA MARKII LALA MIDOOBAY QACDII U HOREYSABA CASHUUR.. | RIWAAYADII ISMOODSIIS | ABWAAN JABIYE

624 просмотра · 1 день назад
Jeestaawi Channel
44,8 тыс. подписчиков
624 просмотра · 1 день назад
“SOMALIYA MARKII LALA MIDOOBAY QACDII U HOREYSABA CASHUUR LAYNAGU BILAABAY | QISADA RIWAAYADII ISMOODSIIS | ABWAAN SAXARDIID M.JABIYE Abwaan Saxardiid Maxamuud Cilmi (Jabiye) wuxuu ahaa mid ka mid ah hal-abuurkii hormuudka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaalidii Gobonimo Doonka, gaar ahaan bilowgii fanka casriga ah ee Somaliland. Wuxuu ku dhashay Hargeysa sannadkii 1938, suugaantana wuxuu bilaabay isagoo da’ yar. Waxaa lagu xusuustaa heeso iyo riwaayado badan oo isugu jiray waddaniyad, wacyigelin iyo jacayl. Jabiye wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii kooxdii Walaalaha Hargeysa, wuxuuna door muuqda ka qaatay suugaantii lagu dhiirrigelinayay halgankii gobannimo-doonka. Heestiisa caanka ah “AAN MAALNO HASHEENA MAANDEEQ” ayaa ka mid ah dhaxalkiisa ugu weyn ee suugaaneed. Abwaanku wuxuu curiyay riwaayado badan, waxaana ka mid ahaa 1.Gardiid Waa Alla Diid 2.Malko 3.Wacad Alloon Kaa Cabbaa 4.Wanqal 5.Ismoodsiis 6.Fiiriyaa Ma Fallo 7.Booraan Hadimo Ha Qodin 8.Hanaan Qurux Wanaag iyo Laguma Dhaamee Dhaqaaq. Badweynta Suugaanta AUN Abwaan Saxardiid Maxamuud Cilmi (Jabiye) Maaha Mid Kulan Kaliya Lagu Soo Koobi Karee Balse Aynu Soo Qaadano Sharxaad Kooban Oo Mugeedu U Badan Yahay Riwaayaddii ISMOODSIIS waxay ka mid ahayd riwaayadihii uu Abwaan Saxardiid Jabiye ku darsaday kaydka fanka iyo masraxa Soomaalida. Cinwaanka ISMOODSIIS laftiisu wuxuu xambaarsan yahay Aftanimo Sarbeeb Duur Xul ah Riwaayadaha Jabiye guud ahaan waxay caan ku ahaayeen in ay arrimaha bulshada iyo siyaasadda xilligaas ka taagan si suugaaneed u soo bandhigaan, isaga oo adeegsanayay jilayaal, heeso iyo hadallo murti leh. Isaguna wuxuu sheegay in uu curinta riwaayadaha u arkayay hab uu bulshada ugu gudbiyo fikrad iyo ujeeddo gaar ah. 1.Gardiid Waa Alla Diid 2.Malko 3.Wacad Alloon Kaa Cabbaa 4.Wanqal 5.Ismoodsiis 6.Fiiriyaa Ma Fallo 7.Booraan Hadimo Ha Qodin 8.Hanaan Qurux Wanaag iyo Laguma Dhaamee Dhaqaaq. Waraysiga Waxa Qaaday Wariye Xuseen Cabdlilaahi Deeqsi Oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka Somaliland W/Q Xamse Cali Jeesto Ka Daawo Lingaxa ⬇️    • “SOMALIYA MARKII LALA MIDOOBAY QACDII U HO...