Heesta ma ii baaqday | Hibo iyo Dacar | ma ii baaqday | heestii ma ogtahay bad iyo wabi | Hiba nuura
DHUGMAAL LYRICS
0:00 / 0:00
Heesta ma ii baaqday | Hibo iyo Dacar | ma ii baaqday | heestii ma ogtahay bad iyo wabi | Hiba nuura
239 560 просмотров · 3 года назад
DHUGMAAL LYRICS
260 тыс. подписчиков
239 560 просмотров · 3 года назад
HEESTA : Ma ii baaqday Sida Beel
ERAYADA : Axmed Saleebaan Bidde
CODADKA: Max'ed A Dacar & Hibo Nuuro
LYRICS :DHUGMAAL LYRICS
QORAALKA HEESTA (LYRICS)
Maxamed Aadan Dacar
Ma ogtahay bi'i iyo oon
Baahida kalgacalkaa
Beryahayga' goysoo
Anna barashadaadii
Bidhaan aragga guudnimo
Baalna uma dhaafine
Waxaad tahay bogaygiyo
Beerka iyo wadnaha iyo
Nacab uga baqaayee
Hibo Maxamed huddoon
Ma ogtahay bad iyo wabi
Adigoon dabaal baran
Loomaba badheedhee
Baahida kalgacalkuna
Taasay la baabtoo
Dadka laguma beeree
Ma ii baaqday sida beel
Baad iyo xareed iyo
Loo helay barwaaqoo
Maxamed Aadan Dacar
Maxaan kaaga baydhaa
Ama kaaga baaqdaa
Saw layma kaa badin
Inan yahay nin bayri lihi
Runta lama badheedhoo
Bogan waa dantiisee
Hadba sida ban joog cawl
Ciirsi la'aan banaanada
Kaliday ka baqaaa
Waxaad tahay bogaygiyo
Beerkiyo wadnaha'iyo
Nacab uga baqaayee
Hibo Maxamed Huddoon
Inanyahaw basari iyo
Doqon baa nin beegsaday
Bar xun kaga dhaqaaqdee
Ha ka baqan badhaadhiyo
Mid uun baad soo bixi
Barashada khasaartee
Ma i baaqday sida beel
Baad iyo xareed iyo
Loo helay barwaaqo
Maxamed Aadan Dacar
Maxaan kaaga baydhaa
Ama kaaga baaqdaa
Saw layma kaa badin
Inanyahay bidhaan iyo
Dumar baaxad iyo xoog
Bilic baad u sidataa
Baashaada ila qabo
Bi’waaye howlaha
Waa la iska baantaa
Waxaad tahay bogeygiyo
Beerkiyo iyo wadnaha iyo
Nacab uga baqaayee
Hibo Maxamed huddoon
Wey laba bogleyn iyo
Arimahoo balaadhiyo
Taladooy igu baahdee
Aniguba bil iyo laba
Baaxaa dag mooyee
Hurdo kaama boganine
Ma ii baaqday sida beel
Baadiyo xareediyo
Loo helay Barwaaqoo
Maxaan kaaga baydhaa
Ama kaaga baaqdaa
Sow layma kaa badin
#dhugmaal_lyrics