Wuxuu Diiday Nolol $100,000 ah! | Injineer 3 Master Haysta oo Carruurta Baadiyaha Wax Bara
ALI DHAANTO и ещё 2
0:00 / 0:00
Wuxuu Diiday Nolol $100,000 ah! | Injineer 3 Master Haysta oo Carruurta Baadiyaha Wax Bara
13 272 просмотра · 6 дн. назад
ALI DHAANTO и ещё 2
13 272 просмотра · 6 дн. назад
Safarkan waxaan kaga soo ambabaxnay Jigjiga, annagoo u safraynaa dhul aad u fog oo baadiye ah, si aan u soo ogaanno shaqada iyo nolol maalmeedka Eng. Burayda.
Eng. Burayda waa injineer haysta saddex shahaado oo Master ah, kana heli karay fursado shaqo iyo nolol dhaqaale oo aad u wanaagsan. Hase yeeshee, wuxuu ka doorbiday noloshii qurbaha iyo raaxadii uu heli karay inuu aqoontiisa u huro carruurta ku nool baadiyaha, isla markaana halkaas ku noolaado oo wax ku baro.
Safarkayagu wuxuu ahaa mid aan ku doonaynay inaan si dhow ugu soo aragno noloshiisa, shaqada uu hayo iyo ardayda uu wax baro. Safarkaasi wuu noo suurtoobay, waxaana ugu dambayn halkaas ku duubnay Podcast gaar ah oo aan kula yeelannay Eng. Burayda.
Sheekadiisu waa mid xambaarsan aqoon, naf-hurid iyo jacayl uu u qabo waxbarashada iyo carruurta Soomaaliyeed.
Daawo safarkan oo nala wadaag aragtidaada.