Dalxiiska Somalia: Sida Sucdi u xaqiijineyso in Muqdisho lagu arko wax ka baxsan cinwaannada wararka
BBC News Somali
0:00 / 0:00
Dalxiiska Somalia: Sida Sucdi u xaqiijineyso in Muqdisho lagu arko wax ka baxsan cinwaannada wararka
16 735 просмотров · 18 часов назад
BBC News Somali
1,02 млн подписчиков
16 735 просмотров · 18 часов назад
Dalxiiska Soomaaliya: Sida Sucdi uga caawiso dalxiisayaasha inay arkeen dhanka qarsoon ee Muqdisho.
Inkastoo Soomaaliya muddo dheer lala xiriirinayay colaado iyo amni darro, haddana xeebaheeda, goobaha taariikhiga ah iyo dhaqankeeda ayaa leh awood ay ku soo jiidan karaan dalxiisayaal.
Sucdi Cabdifatah, oo ka mid ah hagayaasha dalxiiska ee magaalada Muqdisho, ayaa ka mid ah dadka doonaya in dalxiisayaasha ay dalka ku bartaan waayo-aragnimo wanaagsan.
Marka Soomaaliya lagu xuso warbaahinta caalamka, waxaa inta badan waxaa la maqlaa wararka ku saabsan colaadaha, weerarrada iyo caqabadaha amni. Sawirkaas ayaa saameeyay sida dad badan oo dunida ku nool ay u arkaan dalka, iyadoo aan mar walba la helin fursad lagu soo bandhigo quruxda dabiiciga ah, taariikhda iyo nolosha maalinlaha ah ee dadka Soomaaliyeed.
Hase yeeshee, waxaa jira dad imaanaya Muqdisho si ay iyagu u arkaan magaalada, una ogaadaan waxa ka baxsan sawirka ay horay uga haysteen warbaahinta. Sucdi, oo ah hage dhanka dalxiiska ee caasimadda Soomaaliya, ayaa ka mid ah dadka ka shaqaynaya in dalxiisayaasha ay bartaan magaalada iyo goobaha ay caanka ku tahay.
Sucdi ayaa sheegtay inay ku dhowaad saddex sano ku jirtay shaqada hagidda dalxiisayaasha. Xirfaddan waxay ka baratay aabbaheed oo muddo ku dhow 30 sano ka shaqaynayay isla mihnaddan, welina sii wada.
Soo-saare: Fardawsa Osman Hanshi
#somalia #tourism #somalinews #somalia
------------------------------------------------------------------------------------
Halkan uga soo biir TikTok-ga BBC Somali 👉🏽 / bbcnewssomali
Waxaad sidoo kale nagala socon kartaa baraheena bulshada:
Website: https://www.bbc.com/somali
Facebook: / bbcnewssomali
Instagram: / reels
YouTube: / @bbcnewssomali
WhatsApp: https://whatsapp.com/channel/0029Vb7C...
X: https://x.com/bbcsomali