Перейти к содержимому

Waa Maxay Beer sugan ? Waa Maxay Halista uu Caafimaadka Ku Keeno

Dr Abdikarim D Hassan

0:00 / 0:00

Waa Maxay Beer sugan ? Waa Maxay Halista uu Caafimaadka Ku Keeno

8 561 просмотр · 3 дн. назад
Dr Abdikarim D Hassan
10,6 тыс. подписчиков
8 561 просмотр · 3 дн. назад
Beer Subag Leh (Fatty Liver / MASLD) waa xaalad aad u badan oo marar badan si qarsoon ku bilaabata, iyadoo qofku aanu lahayn calaamado muuqda. Haddii aan la ogaan oo aan wax laga qaban, waxay u gudbi kartaa dhaawac beerka ah oo sii xumaada. 𝐐𝐚𝐲𝐛𝐭𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐬𝐢 𝐟𝐚𝐚𝐡𝐟𝐚𝐚𝐡𝐬𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐜𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐧 𝐮𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐚𝐚: Halkee ayuu ka yimaadaa dufanka ku urura beerka? Maxaa sababa Fatty Liver? Waa maxay heerarka kala duwan ee cudurkan, laga bilaabo Steatosis ilaa MASH, Fibrosis iyo Cirrhosis? Waa maxay calaamadaha iyo astaamaha laga yaabo in lagu arko? Sidee ayaa loo ogaadaa ama loo baarayaa? Yaa khatarta ugu badan ugu jira? Waa maxay xiriir ka dhexeeya macaanka nooca 2aad, cayilka, dufanka caloosha, insulin resistance, triglycerides-ka sare iyo dhiig-karka? Sidee looga hortagi karaa Beer Subaga? Haddii qofka laga helo, sidee loo daaweeyaa loona yareeyaa dufanka beerka? Goorma ayuu fatty liver noqon karaa mid khatar ku ah caafimaadka beerka? Waxaan sidoo kale sharxayaa tallaabooyinka ugu muhiimsan ee wax ku oolka ah sida miisaan dhimista, cunto caafimaad leh, dhaqdhaqaaqa jirka, xakamaynta macaanka iyo dufanka dhiigga, iyo goorta loo baahan yahay qiimayn caafimaad oo dheeraad ah. 𝐔𝐣𝐞𝐞𝐝𝐝𝐚𝐝𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚𝐦𝐢𝐣𝐤𝐚𝐧: waa in bulshada Soomaaliyeed ay fahmaan in beer subag leh aanu ahayn xaalad fudud oo la iska indho-tiri karo, laakiin sidoo kale uu yahay cudur inta badan si weyn loo xakamayn karo haddii goor hore la ogaado oo qaab nololeedka wax laga beddelo. Haddii aad leedahay macaanka, cayil, calool weyn, triglycerides sare, dhiig-kar ama taariikh qoys oo cudurrada dheef-shiidka ah, muuqaalkani si gaar ah ayuu adiga muhiim kuugu yahay. Daawo ilaa dhammaadka, la wadaag qoyska iyo asxaabta, kana qayb qaado wacyigelinta caafimaadka beerka. #FattyLiver #BeerSubag #MASLD #Macaanka #Cayilka #CaafimaadkaBeerka #InsulinResistance #SomaliHealth