miyaan xalay to jiif day lyrics | axmed mooge miyaan xalay jiif day | Miyaan xalayto jiifsaday
DHUGMAAL
0:00 / 0:00
miyaan xalay to jiif day lyrics | axmed mooge miyaan xalay jiif day | Miyaan xalayto jiifsaday
496 074 просмотра · 4 г. назад
DHUGMAAL
267 тыс. подписчиков
496 074 просмотра · 4 г. назад
HEESTA: Miyaan Xalayto Jiifsaday
ERAYADA: Cabdi Qays
LAXANKA : Axmed Gacayte
LUUQDA: Axmed Mooge Liibaan
LYRICS: DHUGMAAL LYRICS
QORAALKA HEESTA (LYRICS)
✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍
Jidhku muu dubaaxsheen
Naftan oon ku jirinoo
Cirku jabaq ma keeneen
Tiiyoon jirin daruuruhu
Ifka la maba joogeen
Dhulka oon la jiifine
Ogoobeey jacaylkuna
Waxaan jirin hadduu yahay
Jalleecadaan ku eegaba
Jirro i ma haleesheen
Mana jidhiidhicoodeen
Intaan jaha wareeree
Miyaan xalayto jiifsaday
Jidh jidhkaba miyaan dhigay
Riyaad igu la joogtee
Miyaan xalayto jiifsaday
Jidh jidhkaba miyaan dhigay
Hadhkaagaa ila joogee
*******************
Micigii dhul jiifiyo
Jillab qodax leh waa halis
Haddaad guuro jiidhee
Jiic iyo Cadaadee
Jiiri waad ku xirantaa
Jeerin dhul uu ku yaallee
Jidiin wuxuu caddaadaa
Ama oonku jabiyaa
Markaad jeex abaariyo
Jid cidla ah lugaysee
Jabka kaa ka sii daran
Hayay waa jacaylkee
Miyaaan xalayto jiifsaday
Jidh jidhkaba miyaan dhigay
Hadhkaagaa ila joogee
Miyaan xalayto jiifsaday
Jidh jidhkaba miyaan dhigay
Riyaad igu la joogtee
***********************
Igu curay jacaylkii
Igu jabi silsilad adag
Intuu jaanta kuu rogay
Adna kula jiciiree
Intuu caynka kuu jaray
Anna heensa igu jabi
Jirrideeyna dhigayoo
Labadeena jeex qudha
Jidh jidhka isku keen gali
Waxay talana joogtaa
Ama hadal ku jaranyahay
Doqon waa la jiitaa
Wanaag baan u jeedaa
Samaheenna maad jarin ?
Mise wacadka waa jabin ?
Miyaan xalayto jiifsaday
Jidh jidhkaba miyaan dhigay
Riyaad igu la joogtee
#dhugmaal_lyrics #axmed_mooge #mooge