Waayeel Dadoow | Kabankii iyo codkii Maxamed Mooge | Ereyadii Hadraawi| Qaaci | Bandhigga Balwo
Bandhigga Balwo
0:00 / 0:00
Waayeel Dadoow | Kabankii iyo codkii Maxamed Mooge | Ereyadii Hadraawi| Qaaci | Bandhigga Balwo
962 просмотра · 13 дней назад
Bandhigga Balwo
55,8 тыс. подписчиков
962 просмотра · 13 дней назад
Heestan qaaciga ah ee loo garan og yahay Waayeel Dadoow ama Wacdaraha Adduunka, waxa ay ka mid ahayd riwaayaddii caanka ahayd ee Aqoon iyo Afgarad, taasoo 1972-dii la soo bandhigay, xilligaas oo la furayay kulliyaddii Waxbarashada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taasoo isla markaana aasaas u ahayd guud jaamacadda.
Riwaayaddan oo si weyn ugu dhex fidday bulshada waxa si wadajir ah u wada allifay abwaanno ay ka mid ahaayeen Hadraawi, Gaarriye iyo Siciid Saalax.
Xiddigga Koowaad waxa ka ahaa masrixiyaddan hoobal Maxamed Mooge, halka xiddigta koowaadna ay ahayd fannaanadda Shankarroon Axmed Sagal.
Heestan oo uu si gaar ah midhaheeda u allifay abwaan Maxamed Ibraahin Warsawe (Hadraawi), waxa laxanka ku ladhay mulaxankii weynaa ee Cabdikariin Faarax Qaarrey oo Jiir ku magac dheeraa. Duubistan qaaciga ah oo dhab ahaan ka duwan ta orchestra-da ah ee aadka u faaftay waxa ku luuqeynaya isla jeerkaasna kabankiisa u tumaaya hoobal Maxamed Mooge Liibaan.
Ku raaxayso, hana illoobin in aad ku rukumato kanaalka @BandhiggaBalwo oo ah bar isu xilsaartay faafinta dhaxalka faneed, iyo hiddaha suugaaneed ee Soomaalida, si ay jiilasha dambe ugu xidhmaan isla markaas ay u bartaan fankii, suugaantii iyo sooyaalkoodii hore. #qaaci #bandhiggabalwo #somalimusic #kaban