Qiso: Gabar ka murugaysnayd tahriibkii saaxiibkeed kadib laasimtay Taaju Dikri | Abwaanad Qalbihooyo
Abwaanad Qalbi Hooyo
0:00 / 0:00
Qiso: Gabar ka murugaysnayd tahriibkii saaxiibkeed kadib laasimtay Taaju Dikri | Abwaanad Qalbihooyo
5 652 просмотра · 1 мес. назад
Abwaanad Qalbi Hooyo
10,5 тыс. подписчиков
5 652 просмотра · 1 мес. назад
FADLIGA TAAJU DIKRI
Gabadhaan wiilkii ay isjeclaayeen ayaa ka tahriibay waxay la kulantay murugo, cidlo iyo oohin joogto a kadib waxay laasimtay taaju dikri habeen walba way akhriyaysay iyadoo niyad saafiya Alle ku baryaysa kadibna bishaaro iyo faraj degdeg ayaa Alle ku siiyey Alxamdulilah niyad ahaana way u dagtay ugu danbayna wiilkii wuu soo
Laabtay wayna is guursadeen ilaahay noloshooda ha u barakeeyo.
Fadliga Taaju dikr waxay ku heshay xasillooni, guul, farxad iyo guurkii qofkay adduunka ugu jeclayd qalbigeedii murugaysnaana wuu u Nastay waxaas oo dhan waxay ku heshay naxariista Alle iyo ku dhaganaanta Taaju Dikri.
Qisadaani waa is xusuusin iyo baraarujin in albaabbada dadku xirmaan waxa gacantooda ku jiraana ay xumaadaan. balse albaabka Alle marnaba ma xirmo Alle wuxu ku leeyahay addoonkaygiyoow iisoo laabo Oo I waydiiso danbi dhaaf guusheenuna Alle agtiisa ayuunbay taallaa sida runta ah Qofkii samra, tukada, oo Rabbigiis ku kalsoonaadaana wuxuu helayaa wax ka khayr badan Wixii uu sugayey.
Aan markastaba u dhawaano Rabbigeen Swt Deeq badanaheena aan ka dhigano saaxiib oo aan badino wardiga iyo cibaadada Yaa Rabbi tawfiiq san iyo tub wanaagsan Aamiin Aamiin.
Fadlan asxaabeey Kanaalka subscribe inoo saara muuqaalkana dadka kale usii share gareeya Mahadsanidiin.