Qiso: Gabadhaan waxay jeclayd dhoof markay laasimtay Asma’uul xusna dhagayso guusheeda | Qalbi hooyo
Abwaanad Qalbi Hooyo
0:00 / 0:00
Qiso: Gabadhaan waxay jeclayd dhoof markay laasimtay Asma’uul xusna dhagayso guusheeda | Qalbi hooyo
2 958 просмотров · 1 месяц назад
Abwaanad Qalbi Hooyo
10,5 тыс. подписчиков
2 958 просмотров · 1 месяц назад
ASMA’UL XUSNAA
Mararka qaar wax aad muddo dheer u malaynaysay inaysan waligood dhici doonin, ayuu ilaahay hal maalin kuu fududeeynayaa waliba si lama filaana kana sii qurux badan sidii aad filaysay.
Qisadan waa gabar tan iyo yaraanteedii jeclayd inay dibadda u dhoofto, waliba waxaa jirtay meel gooniya Oo hamigeedu ahaa balse sannado badan arrinteedu way hirgeli weyday. Xitaa waxay guursatay nin Ameerika ka yimid, haddana safarkeedii iyo hamigeedii ma uuna noqon Siday rabtay sawjeedkuna wuxuu ahaa mid dedaalkasta ku bixinayey kaxaynta xaaskiisa mase u suuroobin.
Maalin maalmaha ka mid ah ayay saaxiibteed kula talisay inay ku dadaasho akhrinta iyo dikriga Asmaa’ul Xusnaa, iyadoo qalbigeedan Alle ku xiraysa Waxay bilowday inay si joogto ah u akhrido, u xusto Alle, u samirto una ducaysato.
Muddo kadib, Alle wuxu u dajiyey qalbigana sidoo kalana wuxu u furay albaab aysan filayn. Arrintii ay muddada dheer sugeysay way u hirgashay, iyada iyo carruurteediiba Alle wuxuu u fududeeyay safarkii iyo dhoofkii ay mudada dheer hamiyeysay.
Qisadani waxay ina xusuusinaysaa: Haka quusan Raxmaanka xitaa haddii rajadaadu dib u dhacdo. Ha u malayn in albaabku xirmay Waxaa laga yaabaa in Alle kuu diyaarinayo waqti ka iyo wax ka wanaagsan Wixii aad rabtay.
Ku dadaal dikriga, akhri Asmaa’ul Xusnaa, akhri quraanka, badi astaqfaarta , saliga Nabiga ﷺ, ducada iyo xuska Alle Hana illaawin inaad qalbigaaga ku xirto Alle Swt, hana u qaadan dikriga inuu yahay qaacido ay khasab tahay In lagu helo natiijo gaar ah Alle ayaa og waqtiga iyo waxa adiga kuu kheyr badan.
Waxaana filayaa qisadani inay qalbigaaga taabatay, fadlan qof kale oo rajo u baahan lasii wadaag. Kanaalka Abwaanad Qalbi Hooyana Subscribe saar oo nala soco, si aan uga wada faa’iidaysano is xasuusinta Alle iyo qisaska diiniga ah.
Mararka qaar waxa kaa dhiman ma aha awoodda aad leedahay, ee waa inaad sii waddo ducada, sabirka iyo xiriirka aad la leedahay ilaahay.