Qaaci | Heesta Surmaseegto iyo Maansada Sirmaqabe | Silsiladdii Siinlay | @BandhiggaBalwo
Bandhigga Balwo
0:00 / 0:00
Qaaci | Heesta Surmaseegto iyo Maansada Sirmaqabe | Silsiladdii Siinlay | @BandhiggaBalwo
2 277 просмотров · 10 дн. назад
Bandhigga Balwo
57 тыс. подписчиков
2 277 просмотров · 10 дн. назад
Labada heesood ee muuqaalkan ku jiraa waxay ka mid ahaayeen maansooyinkii uu Cabdiqeys kaga qeybqaatay Silsiladdii Siinley ee toddobaatanaadkii qarnigii hore sida weyn ugu dhex faaftay geyiga Soomaalida. Labada maanso oo aanu halkan qoraalkooda idiinku soo gudbin doonno waxa la kala yidhaahdaa Surmaseegto (Sarbeeb) iyo Sirmaqabe.
Waxa codkiisa iyo kabankiisa isugu daray isla abwaankii sameeyay ee Cabdi Aadan Xayd (Cabdiqays).
00:00-09:28 Surmaseegto (Sarbeeb)
"Samawade Hadraawow
Markaad Saxarla' tirisaan
Suubban kaaga celiyoo
Sawdka aad ka tidhi iyo
Maglay sadarradaadoo
Kugu maan saluugin.
Adigu maad sinbiidhin
Gaarriye ma seegin
Ogow Cali Saleebaan
Isna si xun umuu hadal.
Wax saan diiday saaxiib
Safka kula wadaagee
Saciid ugu horreeyaa
Murtidii sirgacayee
Waxa selelka' kiciyiyo
Ma la socotay Riiraash
Surmo-seegtaduu' dhigay?
Af-qalloocna muu sugin
Marinkaynu soconnoo
Sarsar buu ka dhaafee
Nin sagaashan jirayoo
Hadal seegay weeyoo
Tiisu ima saraysee
Sallid iyo dillaal baa
Sarifaaya hadalkee
Saldhiggaygu wuxuu yahay
Soomaalida ma caayine
Ninkii soo socdaan idhi
Dhulkeennaa samaadiyo
Ha ka iman suddeenna?
Dib baa laysu soogee
Sed ka qaado hawshaan
Taladii ku siiyoo
Saakana la taagnahay
Samir dhimay haddaan idhi
Wakhtigoo sirgacan baan
Siduu yahay tilmaamee
Kuwa gabayga sirayow
Si-xun-u-sheeg ma ogtiin
Sixir wuu ka daranyoo
Waa sida habkiinnee.
Siinleyda waxaa dilay
Sabigiyo dhallaankiyo
Socod-baradka heestuba
Saakaa ugu horreysee
Surinkii Hadraawiyo
Surya'daan anigu maray
Suxul baa u aasane
Sidaa maw ogsoontiin?
Saboolkaan tilmaamiyo
Halka saxalku yaallana
Taa miyaa la socotaan?
Kuwa selelku kiciyow
Si-xun-u-sheeg ma ogtiin
Sixir wuu ka daranyoo
Waa sida habkiinnee?
Waa sooryo maansadu
Samo lagu wadaagee
Sun ninkii ku darayow
Aday sababi taadee
Sahal maaha gabayguye
Saqda dhaxaad u toostiyo
Sacahoo looga faashiyo
Sahan buu ku xidhan yahay
Waa Saxarla' sheekadu
Suubban iyo jacaylkee
Idinkaa sahwiyayee
Kuwa samaha rogayow
Si-xun-u-sheeg ma ogtihiin
Sixir wuu ka daranyoo
Waa sida habkiinnee
Soomaali wayddii"
09:29-15:01 Sirmaqabe:
"Sarsarkayga midig iyo
Saaxiibkay Caliyow!
Axmad Ina Saleebaan?
Saddiiqayga kaliyow
Samaalow Hadraawow
Axmad-dey ma seegine
Aabbihii na sidayeen
Silic nala jeclaynoow
Soomaaliyoo idil
Jaalleyaasha siman iyo
Doolow idin salaannaye
Intaan saymo lagu ridin
Aan saxal addunyaad
Iyo solayga naareed
Ka sifeeyo Eebbuhu
Ha ka dhigo safkeennee
Hibo hayna saaree.
Waxaan uga socdaa taa,
Murtidaydii soohnayd
Aan u dhaafo Siinkoo
Sii daayo faraskee
Subxaanka ina uumee
Sifahaa qurxooniyo
Sarta inagu dhechaan
Simin aadmigeenoo
Sida faraha weeyoo
Waa la kala sarreeyaa
Adduunyada sedkeedana
Qofba subaxuu joogaba
Waa laga sedcaaliye
Waxaan uga socdaa taa
Waxaan ahay nin saranoo
Been laga sameeyoo
Qaar si-xun-u-sheegiyo
Nacab gudin ku saafoo
Seedaha la gooyoo
Dhiiggiisu saaxiib
Togag uu sabbeeyee
Ayagaa saxaayoo
Kala saari doonee
Guddidiisa sare iyo
Guul-wade' ha lagu simo.
Waxaan ahay nin saranoo
Daalacan la saaroo
Hadduu samo ku baaqana
Si xun loogu rogayee
Iyagaa saxaayoo
Kala saari doonee
Guddidiisa sare iyo
Guul-wade ha lagu sim
Waxaan ahay nin sabir loo
Suryo loo hagoogoo
Dabin lala sugaayee
Iyagaa saxaayoo
Kala saari doonee
Guddidiisa sare iyo
Guul-wade ha lagu simo.
Waxaan ahay nin sabankiyo
Saadaasha mooyee
Aan siyaasad gelinoo
Saymaha kalgacalkiyo
Saxar' luun ka heesoo
Lagu xidhay sabeenee
yagaa saxaayoo
Kala saari doonee
Guddidiisa sare iyo
Guul-wade ha lagu simo.
Waxaan uga socdaa taa
Anigiyo in ila siman
Dhallintii suddeeniyo'
Joogtay sabada Waaheen'
Hadday wada safaadeen
Sacab wada cayaareen
Maxaa tayda uun sudhay?
Qaar seereheenniyo
Gurigeenna seexdaa
Siddidii xumeeyoo
Sacabkıl dhabqinayee
Miyaa laga sahwiyayaa?
Waxaan uga socdaa taa
Kagga hilibka solayee
Siniintana nacaayee
Hadba sin u ordaayiyo
Gaarriyiyo Saciidoow
Miyaan tiinna lala socon?
Ina Saalax waa kii
Surin aad dedayseen
Sadarrada ku sheegee
Ma sagaal-wajliliyo
Carsaanyoda' sideedaad
Gaarriyoow siqaysaa?
Waxaan uga socdaa taa,
Weliyada siraatiyo
Suufiyada dawaafana
Saxar kama qarsoonee
Gaarriyiyo Saciidow
Laba balo u socotoo
U saaxiibtay xumahaa
Weligood isa seegtoo
Saadda kuma heshiisee
Waa maxay sirtaa beri
Saamaha ku laabteen?
Ma qaar saaca doorshoo
Dad samaan u wada kacay
Kala seexinaayoo
Sun ku haystay uurkoo
Dusha subag marsadayoo
Saqda dexe habeenkii
Sakalaayay uunkoo
Xaqu uu sinbildhoo
Rabbi seef ku jiidoo
Kala saaray baad tiin?
Waxaan uga socdaa taa,
Ogoobey sideedaba
Ninka ragi ma siibtoo
Suuraddii ma guurtoo
Carrabkiisa sare iyo
Calooshii isma seegtoo
Hadba siduu u jeediyo
Kama weecdo surinkee
Khaa' in baa sal fududoo
Saacaddiiba midab lee
Boqmo seerayaashoow
In kastaa sagaafiyo
Salawo iyo beeniyo
Sahwi aydin wadateen
Siinleydana ku sheegteen
Gaarriyow sidaad tahay?
Saciid baa ku dhaamoo
Weli aan salsalinoo
Sabadiisii joogee
Summad laba-aflayntii
Adigaa sameeyoo
Way kugu sargo'an tahay.
....."
#Bandhiggabalwo
#heesokaban
#somalimusic
#qaaci