Перейти к содержимому

Maxaa keena Calool-istaaga |Constipation

DrMawliid Ku-dar

0:00 / 0:00

Maxaa keena Calool-istaaga |Constipation

119 просмотров · 3 месяца назад
DrMawliid Ku-dar
10,9 тыс. подписчиков
119 просмотров · 3 месяца назад
Maxaa keena Calool-istaaga (constipation)? FG: "Calool-istaag waxa lagu sheegi karaa marka qofku uu saxaroodo wax ka yar 2 jeer todobaadkii". Waxyaabaha keena waxa ay kala yihiin,xanuuno aan la aqoon waxa keena,kuwo la yaqaano,dawooyin iyo uurka. Xanuunnada aan la aqoon waxa keena waxa ka mid ah xanuunka la yidhaahdo (IBS) qaybtiisa calool istaaga keenta. Xanuunnada la yaqaano waxa keena waxa ka mid ah kuwa mindhicirka wayn sida kansarka iyo Ischemic colitis oo ah mid xididada dhiiga keena ay dhiigyar keenaysaan mindhicirka weyn...Xanuunada malawadka iyo dabada sida babaasiirta iyo kansarka oo qofka si dadban ayay ugu keenayaan oo qofku wuxuuba la meeraysanayaa suuli galista maadaama oo uu og yahay inay dabadu dhiigi karto ama xanuuni doonto mana rabo dareemadaas sidaasuu saxarada isugu haynayaa ilaa ay ku qalasho.Xanuunada Endocrine ama hoormoonada la xidhiidha sida hypothyroidism ka oo habdhiska dheefshiidka ayaa hoos u dhaca markay hoormoonada qanjidhka tayroodhku hoos u dhacaan,macaankuna wuu keenaa iyo Hypopituitarism oo hoormoonka qanjidhka tayroodhka cariya ayaa hoos u dhacaya (TSH) haduu kaasi hoos u dhacana hoormoonada qanjidhka tayroodhku soo daayo lama soo dayn doono taasina waxay sii sababaysaa Hypothyroidism.... Waxa kale oo keena xanuunada sida guud ugu dhaca nudayaasha jidhkoo dhan (systematic cutaneous tissue diseases) sida systemic scleroderma oo ah xanuun qalafsanaan ku rida maqaarka iyo muruqyada oo muruqyada mindhicirka ee riixa saxaradu siday tahay uma shaqayn doonaan taasina waxay sababaysaa calool istaag . Xanuunada kale ka daawo muuqaalka Dawooyinka qaar ayaa iyana keena oo ay ka mid yihiin saamayntooda taban sida kuwa loo qaato suuxdimaha,kuwa loo qaato depression ka,kuwa loo qaato dhiigkarka qaar ka mid ah ,kuwa loo qaato kala fogaynta caruurta iyo qaar kale.Sidoo kale uurkuna wuu keenaa oo haweenka UURKA lihi way ka cawdaan hadaanay khudaarta iyo cunooyinka baalka leh badsanin. Halkan ka daawo faahfaahin iyo sharaxaad dheeraad ah La wadaag (share)bulshada si ay uga faa'idaystaan isuna baadhaan iyagoo u tagaya dhakhtarka ku takhasusay xanuunnada habdhiska dheefshiidka (Gastroenterologist) maadaamay dawadiisu tahay waxa keenay oo meesha laga saaro. #Caloolistaag #constipation #gastroenterology #drmawliidkudar