Перейти к содержимому

QISADA HEESTA “CABDOW BARI SAMAADKII” & SILSILADII AY CURATAY | KHADRA DAHIR

Jeestaawi Channel

0:00 / 0:00

QISADA HEESTA “CABDOW BARI SAMAADKII” & SILSILADII AY CURATAY | KHADRA DAHIR

2 235 просмотров · 13 часов назад
Jeestaawi Channel
45,8 тыс. подписчиков
2 235 просмотров · 13 часов назад
QISADA HEESTA “CABDOW BARI SAMAADKII” & SILSILADII AY CURATAY | KHADRA DAHIR . Heesta “Cabdow Bari Samaadkii”, oo sidoo kale loo yaqaano “Inuu Beer Jacayloo”, waa mid ka mid ah heesaha ugu caansan ee ay ku luuqayso Boqoraddii Jacaylka iyo Qaraamiga, marxuumad Khadra Daahir Cige. Heestan waxa alifay abwaan Cabdiqafaar Ciise Cagoole, kaas oo wariye Caasha Cuud Oo Laanta Afsomali VOA Ka Tirsanayd uga warramay sheekada iyo dulucda heesta. Abwaanku waxa uu sheegay inuu heestan ku curiyey dalka Sucuudiga, xilli uu halkaas ku noolaa. Heesta waxa loo qaaday nin la odhan jiray Cabdow (ama Cabdiwali), kaas oo saaxiib dhow la ahaa abwaanka. Abwaanka oo u dulqaadan waayey dhibta jacayl ee saaxiibkii haysata ayaa tiriyey maansadan si uu ugu caqli-celiyo, ugana dulqaado murugada jacaylka. Abwaan Cagoole ayaa maansada ugu duubay cajalad, dabadeedna u soo diray saaxiibkii. Hase yeeshee, waxa uu xog ka helay in qaar ka mid ah fannaaniintii kooxda Waaberi ay heleen erayadii maansada, dabadeedna loo beddelay heestii caanka noqotay. Qisadu intaas kuma joogsan, ee waxa ka curtay silsilado heeso ah oo la isweydaarsaday. HEESAHA CAANKA KA AH EE SILSILADAN KU JIRAY: 1. Cabdow Bari Samaadkii Waxa qaadday Khadra Daahir Cige. 2. Baxsaneey Hargeysaay Waxa qaaday Saalax Qaasim. 3. Barariyaaq Waxa qaaday fannaan Sayid Khaliifa. W/Q Xamse Cali Jeesto Lingax Hoose Ka Daawo    • QISADA HEESTA “CABDOW BARI SAMAADKII” & SI...   #QisadaHeesaha #KhadraDaahirCige #AbwaanCagoole #FankaSoomaalida #SuugaantaSoomaalida #TaariikhdaFanka